Dhaawacyada Eng. Yariisow & xubnihii kale oo caawa laga dejiyey Doha (Daawo Sawirro)

Dayuurad weyn oo Magaalada Muqdisho ka qaaday dhaawacyada masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro duqa Muqdisho Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa saqdii dhexe gaartay Magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar.

Masuuliyiintan ayaa ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay hoolka shirarka xarunta Maamulka gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay qaar kale oo maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo iskugu jiray saddex gudoomiye degmo iyo howlwadeeno kale.

Dayuuradan oo aheyd mid weyn oo u qalabeysan sida isbitaal oo kale ayaa waxaa soo dirtay dowlada Qatar ka dib codsi ay u direen madaxda dowlada Somalia, iyadoo caawa maqribkii ka duulisay Muqdisho dhaawacyada Masuuliyiinta uu ku jiro Gudoomiye Yariisow.

Wararka ayaa sheegaya in markii dhaawacyada masuuliyiintan laga dejiyey garoonka magaalada Doha ay halkaas ka qaadeen gaadiid ambalaas ah oo iyo dhaqaatiir halkaas ku diyaarsanaa, kuwaasoo geeyey mid ka mid ah isbitaalada waaweyn ee Magaalada Doha oo haatan daweyntoodu ka bilaabatay, sida ay sheegayaan Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo la socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -