Xubnaha Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug oo la sheegay in ay katirsan yihiin Xafiiska Kheyre

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta, waxaana guddigan la magacaabay katirsan xubno aad ugu dhaw Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ee laga soo doorto Galmudug ayaa sheegay in Xubnaha Guddiga ee la magacaabay ay u badan yihiin xubno ka shaqeeya Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre mushaarna ka qaata.

Waxa uu isweediiyay Xildhibaan Axmed Fiqi in guddigan u shaqeenayaan xukuumada Soomaaliya iyo in ay ka shaqeenayaan danaha Galmudug, waxa uuna ku baaqay in xubnahan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug.

”Wasiir Sabriye waa nin is-hafraya, wasaaraddiisuna waxay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, Guddiga Dibuheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska RW Khayre oo mushaari ka yihiin iyo qiyaastii saddex xubnood oo Sufo ah, ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay GM? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug,” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Guddiga Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya u magacawday qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxa aku jira siyaasiyiin caan ah oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray kuwaa oo lagu xanto in ay ku dhaw yihiin Xukuumada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -