Qadar oo la sheegay in ay lasoo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya

Siyaasiga Cabdirahman Cabdishakur Warsame ayaa ku eedeeyay dowlada Qadar ee hada sida weyn u taageerta dowlada federaalka Soomaaliya in ay lasoo baxday habdhaqan lamid ah kii lagu yaqiin dowlada Itoobiya .

Waxa uu sheegay Mr Warsame in Saraakiil ajanbi ah oon maqaam sare laheyn oo Wasiiro iyo taliyaasha ciidanka daba ordayaan ay dad badan soo xasuusineyso habdhaqankii hore ee Itoobiya gaar ahaan Jeneraal Gabre uu sheegay in saf dheer loo gali jiray.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan kaga hadlay Cabdiraxman Cabdishakur

Markii aad aragto saraakiil ajnabi ah oo aan sidaa u wayneyn oo wasiirro iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka kuwii ugu sarreeyay ay daba dudayaan, sow ma soo xusuusatid sida uu beri Jeneraal Gabre ahaan jiray. Dowladda Qatar waxay la soo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya, safiirkeeduna sidii Generaal Gabre oo kale ayaa saf dheer loogu jiraa, shakhsiyaad tabcanayaal ahna way nagu dhex tallaasheen.

Soomaaliyey haddii aan shalay dhibsannay sandulleyska saraakiisha Itoobiya, siyaasiyiintii saaxiibka la ahaana daba dhilif Itoobiya ku suntannay, maxaan Qatar uga aamusannahay .

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) Allaha u naxariistee ayaa ku shirbay, isagoo Qaramada Midoobay ku dhaliilaya in ay Maraykanka u shaqeyso;

Qaramadii Midoobayeey
Qalin Maraykan maa tihiin?

Waa ii soo jawaabeen ayuu yiri oo waxay isoo dhaheen Abshirow;

Masruufka maamulkow baxshaa
Mahabba looga maarmi maa.

Qatar ma waxaa looga aamusan yahay xoogaaga sandareertada ah ee xaggeeda ka yimaada.? Waxaan dawlada Qatar ugu baaqaynaa in ay joojiso fara gelinta qaawan ee ay arrimaha Soomaaliya ku hayso, kana waantowdo habdhaqan taban ee ay horey dowlado kale ugu hoogeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -