War Deg Deg ah: Madaxweyne Farmaajo oo baajiyay kulankii Baarlamaanka yeelan lahaayeen

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa baajiyay kulankii maanta la filayay in Xldhibaanada golaha shacabka ku yeeshaan magaalada Muqadisho.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay xili dambe la kulmay Gudoonka iska soo horjeeda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna kala hadlay xiisada sii xoogeesatay ee Baarlamaanka ka dhax aloosan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta baajiyay kulankii Baarlamaanka Federaalka ku balan sanaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaan wali ka hadlin khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka dhashay mooshin Xildhibaano Baarlamaanka katirsan ka keeneen Gudoomie Jawaari.

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u shaaciyay in maanta oo sabti ah ay Xildhibaanada kulmaan ajandaha kulankooduna uu noqonayo ka doodista Mooshinka Jawaari , hasa ahaatee kulankaasi uu baaqday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sababaha kulanka uu maanta u baajiyay loo arkaa mid uu uga hortagayo in khalalaase iyo gacan ka hadal uu dhax maro Xildhibaanada iska soo horjeeda.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -