Dowlada Somalia oo ka hadashay kulanka la sheegay in uu Dhax marayo Farmaajo iyo Uhuru

Warbaahinta dalka Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay qorayay war ku saabsanaa in dowlada Itoobiya ay dhax dhaxaadineyso Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya si ay uga wada hadlaan xiisada ka dhalatay muranka dacwada badda.

Dowlada Soomaaliya ayaa mar kale beenisay warkan ku saabsan in ay kulmayaan Madaxda wadamada Kenya iyo Soomaaliya , waxa ayna dowlada beenisay in wadahadal laga galayo dacwada Badda ee taala Maxkamada ICJ.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in been abuur yahay in magaalada Adis Ababa kulan ku yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Go’aanka la xiriira dacwada Badda Soomaaliya uu weli sidiisa yahay,isla markaana uusan jirin wadahadal laga galayo, waxa uuna Warbaahinta ku eedeeyay baahinta Wararka been abuurka ah oon laga fiirsan.

Warbaahinta Soomaaliya qaarkood oo soo xiganayay Warbaahinta Kenya iyo tan Itoobiya ayaa sheegayay in Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu kulansiinayo Madaxweyne Farmaajo iyo  Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -