Ra’isul Wasaare Kheyre oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Cabdudwaaq (Sawiro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambo baxay magaalada Cadaado ayaa goordhaw gaaray Magaalada Cabduwaaaq ee Maamulka Galmudug.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa si heer sare ah magaalada Cabudwaaq ku soo dhaweeyay Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug oo horkacayay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo dadweyne aad u badan.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa u tagay Cabdudwaaq xal u helida xiisada ka taagan maamulka Galmudug gaar ahaan dhinaca doorashooyinka, waxaana la filayaa in uu la kulmo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey  iyo Xildhibaanada labada aqal iyo waxgaradka Magaaladaas.

Magaalada Cabudwaaq waxaa xiligan ku sugan Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee kasoo gala Magaaladaas, waxaana la filayaa in magaalada Cabudwaaq ka dhacaan kulamo kala duwan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -