Masuuliyiin kala duwan oo maanta lagu soo dhaweeyay Degmada Dayniile (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xarunta degmada Dayniile munaasabd soo dhaweyn ah loogu sameeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya , Xildhibaano, Gudoomiyaha gobolka Banaadir , iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta lagu soo dhaweeyay xarunta degmada Dayniile waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow iyo labo kamid ah kuxigeenadiisa, Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada Sadiiq Warfaa, Xildhibaano, Gudoomiyaal degmo, Saraakiil iyo marti sharaf kale.

Kooxda bar baarta gaashaamaan ee degmada Dayniile ayaa suugaan qiimo badan kusoo dhaweesay masuuliyiinta timid degmada Dayniile, waxaana wajiyada madaxda Dayniile soo booqoatay laga dareemayay dareen farxadeed oo aad u weyn.

Masuuliyiintan lagu soo dhaweeyay degmada Dayniile ayaa sidoo kale kormeer kusoo sameeyay qeybo kamid ah degmada Dayniile , waxa ayna indhahooda kusoo arkeen horumarka iyo amaanka xiligan ka jira degmada Dayniile.

- Advertisement -