Maamulka & bahda Allbanaadir Online oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeynaya Ciidul-fitriga

Maamulka, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha Shabakada Allbanaadir Online waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummaddaha islaamka meel kastoo ay joogaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed taasoo ku aadan Munaasabada Ciidul fitriga ka dib markii ay caawa bilatay bisha Shawaal, ayna dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Agaasimaha guud ahna Milkiilaha shabakada Wararka Allbanaadir Online Mudane C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney is cafiyaan farxada munaasabada ciida awgeed ayna isku naxariistaan si ay u helaan naxariista ALLE.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha, howlwadeenada shabakada allbanaadir online iyo keygaba waxaan hambalyo ku aadan dhalashada bisha Shawaal iyo Munaasabada Ciidul-fitriga u dirayaa dhamaan ummada islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee soo gutay Waajibaadkii Soonka ee bisha Ramadaan oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka” ayuu yiri  Agaasimaha.

C/raxmaan Macalin Xuseen ayaa u rajeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta islaamka meel kasta oo ay joogaan iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan, guul horumar, nabad iyo Barwaaqo.

CIID WANAAGSAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com