Waare: “Cid kasta oo ku lug leh kala qeybinta Maamulka Galmudug waa iney joojisaa”

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda Murugsan ee ka taagan siyaasada Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in aan la aqbali karin in tafaraaruq la kala dhex dhigo dadka Reer Galmudug, isagoo baaq uu u diray dowladda Federaalka iyo cid kasta oo abaabuleysa kala qeybinta Galmudug.

“Shacabka Hirshabelle gaar ahaan Reer Hiiraan waxay walaac aan la qiyaasi karin ka qabaan xaalada murugsan ee ka jirta Galmudug, koonfur anaga oo sidaasi ula tacaaleyno inay waqooyi naga xiranto ma yeeleyno, wixii ka qeyb qaadanaya kala qeybinta inay joojiyaan ayaan ugu baaqayaa” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Dhibaatooyin ayuu sheegay iney ku soo kordheen wadada xiriirisa Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud isagoo xusay in marnaba Hirshabelle aysan dooneyn inay wadadaas xiranto, waxaana baaq uu u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyoi Hirshabelle.

“Dadka Reer Galmudug xilligaan uma baahna siyaasad iyo kala qeyb qeybin iyo in olole lagu galo balse waxay u baahan yihiin isku soo dhaweyn iyo waxqabad dhab ah” ayuu intaas ku daray Madaxweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -