Darawal lagu ganaaxay arin layaab leh oo hadal heyn badan abuurtay !!

Ciidamada Taraafikada dalka Shiinaha ayaa ganaax lacageed iyo mid dhibco looga jaranayo leesinkiisa kusoo rogay darawal gaari oo kaamirad nuuca laamiyada ku xiran sawirtay isaga oo wajiga xoganaya.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa ku warantay in ninkan oo gaari ku dhax watay magaalada Jinan ee bariga gobolka Shandong, uu wajiga gacanta la aaday si uu isaga xogo, waxaana xiligaasi sawir ka qaaday kaamirad kamid aheyn kuwa laamiga ku xirnaa.

Mudo yar kadib waxaa ninkan usoo dhacday fariin uga timid Taraafikada oo loogu sheegayay in uu telfoon ku hadlay isaga oo gaari wada, waxaana fariinta loo soo raaciyay sawirka kaamirada ka aqaaday iyo sidoo kale ganaaxa lagu riday.

Ninkan darawalka ahaa ayaa sidoo kale lagu wargaliyay in lagu soo rogay ganaax lacageed oo gaareysa  7.25 dollar, waxaa sidoo kale ninkan loo sheegay in leesinkiisa laga jarayo labo dhibcood.

Baraha bulshada ayuu ninkan durba ku faafiyay sawirka Kaamiradaha wax sawira ka qaadeen iyo ganaaxa lagu soo rogay, waxa ayna arintan hadal heyn badan ka dhax abuurtay baraha bulshada iyo sidoo kale Warbaahinta dalkaasi.

Saraakiisha Taraafikada ayaa markii arintan hadal heyn badan dhalisay ayna dib ka ogaadeen in ninkan uusan telfoon ku hadleyn ka laabtay ganaaxii ay horey ugu soo rogeen darawalka.

Dalka Shinaha wadooyinkiisa waxaa ku xiran in ka badan 170 milyan oo ah kaamirooyinka wax ilaaliya ee loo yaqaan CCTV, waxaana dowlada wadaa qorshe kaamirooyinkaasi lagu gaarsiinayo in ka badan 400-Milyan oo kaamiro marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -