Sargaal la sheegay in uu kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay nin la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab ee ka dagaalanta gobolada Jubooyinka, waxa uuna ninkan isku soo dhiibay ciidanka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baar Sanguuni.

Ninkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Sharmaarke Cabdinaasir Axmed , waxaana ninkan mudo 10-sano kamid ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan kooxda Jugta culus ee sida Milatariga u dagaalanta.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim ayaa sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab uu isku soo dhiibay ayna soo dhaweeyeen maamulka Jubbaland, waxa uuna xusay in uu sargaalkan cafis ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu ugu baaqay Afhayeenka Jubbaland dhalinyarada kale ee katiran Al Shabaab in ay kasoo baxaan kooxdaasi ayna isku soo dhiibaan maamulkooda iyo dowlada, waxa uuna xusay in lasoo dhaweyn doono cidii ka laabata fikirkii hore.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa marar badan deegaanada ay ka taliyaan kusoo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano kale ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhinaca Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -