Milatariga oo Howl-gal Waddo sifeyn ah ka fuliyay Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka howlgalo wado sifeyn ah ka sameeyeen inta u dhaxeysa Wadooyinka magaalada Muqdisho iyo Jowhar.

Taliska Milatariga warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay Ciidanka xoogga howl-gallo lagu xaqiinayo amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo  Jowhar  ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay taliska Milatariga

Muqdisho; Jimce, May 03, 2019 —–Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  (CXD)  ayaa howl-gallo lagu xaqiinayo amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo  Jowhar waxa ay ka sameeyeen deegaannada Qalimow iyo Ceel-Geelow ee  gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howl-gallada oo qayb ka ah xaqiijinta halbeegyada tubta amniga iyo  caddaaladda  iyo qorshaha baacsiga kooxaha argagaxisada ah ayaa si nabad  ah ku dhacay, waxaana deegaannadaas ku xeeran waddada dheer isaga  cararay Maleeshiyaadkii Shabaab ee shacabka ku dhibaatayn jiray.

Ciidanka howl galka fuliyay oo qayb ka ah ciidamada loo qorsheeyay in ay  shacabka ku dhaqan goballada Shabeellooyinka ay ka dul qaadaan cadawga,  ayaa waxa ay saldhigyo waawayn ka samaysteen deegaannada Qalimow iyo  Ceel-Geelow si looga hor tago dhibaata dambe oo loo gaysto gaadiidka iyo  dadka safarka ah ee isaga goosha magaalooyinka.

CXD oo wada howl-gallo is-daba joog ah oo lagu dardar-gelinayo qorshaha  xasilinta dalka ayaa waxa ay maalmo ka hor  xoreeyeen deegaanka Bariire  ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u taagan bad-baadada  dhiigga iyo hantida Shacabka ayaa sii wadaya baacsiga argagaxisada ilaa  laga saaro deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan.

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -