Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo is casilay iyo Sababta keentay

Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa goordhaw shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilka wasiirnimo uu ka hayay Xukuumada, kadib wareysi uu siiyay Idaacada VOA.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sababta uu isku casilay ku sheegay kala aragti duwanaan soo dhax gashay isaga iyo madaxda dowladda qaarkood, waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in uu shaqada ka tago.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao.

Waxyaabaha kale uu xusay in Madaxda dowlada isku fahmi waayeen ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho maamul goboleedyada dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta Wasiirka Warfaafinta isku casilay ay tahay khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Ra’isul Wasaare Kheyre, lamana oga wali waxa dhabta uu ku hayay khilaafkaasi.

Ra’siul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu aqbalay is casilaada Wasiirka, mana jiro ilaa hada wax war ah oo is casilaada ku saabsan oo kasoo baxday Xafiiska Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -