Dad badan oo ku dhintay Musiibo ka dhacay magaalada Rosas (Daawo Sawirada)

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dhul go’ shalay oo axad ah ka dhacay magaalada Rosas oo ka tirsan gobolka Cauca ee dalka Colombia.

Inta la xaqiijiyay dhulkan go’ay waxaa ku dhintay dad gaaraya 17-qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana wali socda baadi goob loogu jiro dad nolol lagu la’ yahay.

Kooxaha gurmadka deg dega ee dalka Colombia ayaa bur burka ka baadi goobaya dad la la’yahay, waxaana dhul go’an la sheegay in uu ka dhashay roobab mahiigaan ah oo dalkaasi ka da’ay.

Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa booqday magaalada ay musiibadu ka dhacday, waxa uuna Madaxweynaha sheegay in gar gaar la gaarsiinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Dhul go’a ayaa caadi ka ah dalka Colombia oo kuyaala qaarada Laatiin Amerika, waxaana inta badan la sheegaa in dhul go’a ka dhasho roobabka xoogan ee dalkaasi ka da’a.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -