Nin Soomaali ah oo labo qof ku dhax dilay Gudaha Masjid kuyaala magaalada Cape Town

Wararka ka imaanaya magaalada Cape ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo toorey ku hubeesnaa xalay xiligii Salaada Taajudka la dukanayay labo qof ku dhax dilay gudaha Masjid kuyaala deegaanka Malmesbury ee magaalada Cape Town.

Ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in masjidka galay isaga oo wata toorey waxa uuna goobtaasi ku dilay labo qof oo kamid ahaa dadkii masjidka ku cibaadeesanayay halka uu dhaawac u geestay sadex qof oo kale.

Ciidamada booliiska oo si deg deg ah loogu yeeray ayaa halkaasi ku dilay ninka Soomaaliga ah oo damacsanaa in uu dad kale dilo, waxaana labada qof uu ninkaasi dilay mid kamid ah uu ahaa Soomaali halka kan kalana uu ahaa South Afrikan.

Ehelada ninkan weerarka geestay ayaa ku waramay in Madaxa looga jiray ninkaasi, waxaana hada socda baaritaano ay ciidamada booliiska magaalada Cape Town ku sameenayaan weerarkan dhimashada sababay ee masjidka ka dhax dhacay.

Soomaalida kunool magaalada Cape Town ayaa aad uga argagaxay falkan ka dhax dhacay Masjidka kuyaala deegaanka Malmesbury, dhacdadan argagaxa leh ayaa maanta noqotay mid si weyn looga hadal hayo magaaladaasi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]