Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay ka degay magaalada London (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Trump ayaa gaaray magaalada London iyo dalka Britain  halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo seddex maamood ah.

Dayaaradiisa, Airforce 1, ayaa ka degtay garoonka Stansted ee ku yaalla duleedka London, halkaasoo uu ka raacay helicopter u qaadday halka uu deggan yahay safiirka Maraykanka ee bartamaha London.

Inta uu socdaalkiisa ku jiro wuxuu la kulmi doonaa boqorad Elizabeth iyo ra’iisul wasaaradda UK, Theresa May.

Mr Trump ayaan waxba ka soo qaadin mudaaharaadyo qorshaysan oo isaga ka dhan ah, waxaana ku jira mid uu ka dhex muuqdo baambole ilmo ah oo astaamihiisii loo yeelay.

Wuxuu ka soo kicitimay magaalada Brussels oo uu kulan kula lahaa madaxda NATO, wuxuuna yiri markii uu tergay london “Reer UK  aad ayey i jecel jecel yihiin”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]