Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Jowhar iyo Xog ku aadan ujeedka socdaalkiisa

Waxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle gaaray wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan .

Wafdiga Gudoomiyaha golaha Shacabka hogaaminayo oo isugu jira Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka waxaa garoonka Diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  ayaa ujeedka uu goordhaw u tagay magaalada Jowhar lagu sheegay in uu halkaasi maanta ka furayo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Amaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Jowhar la dhigay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]