Dowladda Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Dowlada Norwey ayaa shaacisay in ay aqoonsatay baasaboorka caadiga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, kadib markii  ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

Munaasabad dowlada norwey ku shaacineysay n ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Naiarobi ayaa waxaa ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safiirka Norwey u fadhiya Kenya.

Safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg ayaa munaasabada ka sheegay in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diplomaasiga ah ee  Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bish Agoosto kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.

“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya uusan wax ka beddelaynin shuruudaha  dal ku galka Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]