Dowlada Soomaaliya oo Heshiis Qarsoodi ah la gashay Dowlada Denmark

Xisbiga mucaaradka ee dalka Denmark ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro heshiis qarsoodi ah ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Denmark, heshiiskan ayaana dhigayay in dadka aan sharciga heysan ee jooga dalkaasi dib loogu soo celin karo Soomaaliya.

Waxa ay ka dalbeen xisbigan dowlada in ay soo bandhigto cadeeymaha ku aadan heshiiskan qarsoodiga ah ay la gashay dowlada federaalka Soomaaliya oo ku aadan in qaxootiga Soomaaliyeed aan sharciga heysan loo tarxiilo karo Soomaaliya.

Afhayeenka  Xisbiga Social Democrats ee dalkaasi, Mattias Tesfaye ayaa sheegay in ay jiraan dad Soomaali ah oo si qarsoodi ah loogu musaafiriyay Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday dowlada in ay soo bandhigto cadeeymaha heshiiska Soomaaliya la gashay.

Wasiirada Arrimaha Socdaalka ee dalka Denmark Inger Støjberg,ayey sheegtay in Heshiiska lala galay Dowlada Soomaaliya  uu yahay Heshiis Qarsoodi ah, waxayna diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Heshiiskaasi.

Xildhibaan oo ka tirsan Isbahaysiga  (ENHEDSLISTEN) oo lagu magacaabo Nikolaj Villumsenayaa Heshiiskaaska qarsoodiga ah ku tilmaamay fal dembi ah, waxa uuna ku baaqay in si hufan loo eego Heshiiska Qarsoodiga ee lala galay Dowlada Soomaaliya.

Heshiiska Qarsoodiga ah ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa dhigaya in qaxootiga  Soomaaliyeed aan haysanin Sharciga Deganaanshaha Denmark in loo masaafuriyo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]