Dil Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa caawa darawal Mooto bajaaj waxa uu ku dilay laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooska Evecco ee ku dhaw Warshada Taraqa iyo Sigaarka.

Goob joogayaal ayaa ku waramay askari katirsan ciidanka amaanka oo ku sugnaa Isgooska uu dilay nin shacab ah oo wade ka ahaa Mooto bajaaj, waxaana meydka ninka la dilay daqiiqado badan yaalay halka lagu dilay.

Lama oga ilaa hada sababta askarigan katirsa ciidanka amaanka uu u dilay ninkan shacabka ah, waxaan goob joogayaasha siyaabo kala duwan uga hadleen ninka uu askariga u geestay ruuxan shacabka ah.

Ciidamada dwlada ayaa magaalada muqdisho siyaabo kala duwan bishan Ramadaan ugu dilay ku dhawaad shan nin oo Mooto bajaaj ku xoogsanaysay, waxaana dilalkan siyaabo kala duwan uga xumaaday shacabka muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]